ADIS ABABA (W,N)-Majaladda African Leadership Magazine Ayaa Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya Axmed Shide u Aqoonsan Tahay inay siiso Billadda Wasiirka Maaliyadda ee Afrika ugu wanaagsan sannadkii 2020.
War-murtiyeed ay Majaladdu Shalay soo saartay waxay ku soo Bandhigtay Madax iyo Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Madaxda Hay’adaha Maaliyadda ee Afrika ee ay u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan sannadkan 2020.
Majaladda ayaa laba Wasiir-Maaliyadeed oo ka soo jeeda Afrika U Aqoonsantay Kuwii ugu wanaagsan Sannadkan.
Wasiir Axmed Shide ayaa noqday wasiirka keliya ee ka soo jeeda Bariga Afrika ee ay majaladdu u Aqoonsatay Wasiirka Maaliyadda Ugu wanaagsan Afrika Sannadkan 2020.
Axmed Shide ayaa ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.