WAJAALE NEWS

Warbaahinta Qaranka Oo Soo Turjuntay Xaqiiqada Waraysigii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Kaga Hadlay Somaliland.

Hargeysa(W,N)- Waxa  siyaabo xaqiiqada ka fog loo marin habaabiyey, loogana been sheegay  shirkii Jaraa’id ee uu 7-dii Bishan ku qabtay Addis ababa  Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dini Mufti oo uu kaga hadlay  Jamhuuriyadda Somaliland.

Telefishanka Aljazeera ayaa ka mid ahaa Warbaahintii sida xaqiiqada ka fog u turjuntay  Hadalkii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ay baahisay in inuu Somaliland ku tilmaamay qayb ka mid ah Soomaaliya, taasi oo gabi ahaanba aan ku jirin hadalka masuulkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la weydiiyey  in  weftigii Masar ee dhawaan Somaliland yimid inay u socdeen sidii ay Saldhig uga sameysan lahaayeen Somaliland, waxaanu ku jawaabay, “Masar waa dawlad jirta, dadka iyo dalka ay doonto xidhiidh way la sameysan kartaa, laakiin waa in aan annaga dalkayaga bartilmaameed nalaga dhigan. Haddii nalaga dhigan lahaana ogolaan mayno. Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaanba Masar xidhiidh way la sameysan kartaa haddii aanay wadin wax  Itoobiya dhib ku ah.”

Danjire Dini Mufti oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Wax bartimaameed ah oo aanay dalkayaga iyo dantayada aan taabanayn oo aan dhibaato ku aheyn  xor bay u tahay Masar  inay cidda ay doonaan xidhiidh la sameystaan. Arrintaas Somaliland mar iyo lababa waanu u sheegnay, imikana waanu u sheegaynaa.”

Madaxa Qaybta Axmaariga ee Radio Hargeysa Maxamed Mukhtaar Cismaan ayaa u soo turjumay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Exit mobile version