WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Jawaabta Uu Ka Bixinayo Tabashada Odayaasha Awdal Kala Tashaday Ku Xigeenkiisa iyo Siyaasiyiinta Awdal.

madaxwayne siraanyoHargeysa(Wajaale News):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka tashaday jawaabta Xukumaddu ka bixinayso Tabashada Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo.

Kulankan oo Doraad dhacay islamarkaana aan warbaahinta loo Ogolayn ayaa xogaha laga helay sheegayaan inay ka qayb galeen Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland iyo Siyaasiyiinta Beesha Samaroon kaga jirta Golayaasha qaranka. Kulanka ayaa la sheegay in lagu lafa garay Jawaabta ku haboon ee laga bixin lahaa Tabashada Awdal.

Inkasta oo aan war rasmi ahi ka soo bixin Kulankaasi haddana Wararka laga helay ayaa sheegaya in la isla gartay in Siyaasiyiinta Awdal Odayaasha ku qanciyaan sidii ay Dib ugu noqon lahaayeen inta go’aan laga gaadhayo tabashadooda, mana cadda in Odayaashu arintaasi qaadan doonaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa safar mudo gaaban qaatay ku tagay dhawaan Gobolka Awdal, hase ahaatee Odayaasha Gobolka Awdal oo iyagu diiday inay Boorama kula garnaqsadaan maadaama Madaxweynuhu Bookhday ayaa Hargeysa kaga daba yimid islamarkaana hor dhigay Cabasho ay qabaan oo ku aadan Saamiga Beeleed ee Xukumadda ay ku leeyihiin. Waxa la sheegay inay Siyaasiyiinta halkaasi ka soo jeeda sidoo kale qaar ka cawdeen, iyo inay ku doodeen in Madaxweyne Xigeenka la siiyo Doorkiisa Siyaasadeed.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirhman Habane

Exit mobile version