HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna afhayeenka Xukuumadda, Mudane Sulayman Yusuf Koore ayaa maanta kulan saacado qaatay xafiiskiisa kula yeeshay Wakiilka Dawladda Ingiriiska U qaabilsan Somaliland, #Stuart_Brown.
Kulanka oo ku dhamaaday jawi is-afgarad, waxa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xidhiidhka wada shaqayneed ee labada Dawladooda, ee dhanka warbaahinta gaar ahaan Xeerka iyo Siyaasadda Saxaafadda.
“ Somaliland waa dawlad dimuqraadi ah, oo u heegan ah in ay ilaaliso sumcadda wanaagsan ee ay ku leeyihiin xoriyatal qawlka. Balse aan la aqbalayn cid kasta oo ku xadgudubta madax-bannaanida, nabadgelyadda iyo dastuurka,” ayuu wasiirku kulanka ka sheegay.
Dhanka kale, Wakiilka Dawladda Ingiriiska oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi, “ Waxa aan si fiican labadayda dhinac iskula gorfaynay sidii loo tayeyn lahaa warbaahinta Somaliland, taasna looga wada shaqayn lahaa iyada oo la dardargelinayo xeerarka iyo siyaasadda Warbaahinta”
Wasiirka waxa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee wasaarada warfaafinta Cabdiqaadir Dayib Askar.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;