WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Bahda Waxbarashada Iyo Shacbiga Uu Ka Baxay Marxuum Macalin, Ganacsade Ismaaciil Guray Oo ku Geeriyooday Hargaysa.

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda waxbarashada, Ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Ismaaciil Jaamac Ibraahim (Ismaaciil Guray) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 10/07/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay qaranka Somaliland oo door muhiima ka soo qaatay dedaaladii loo soo maray dalka iyo dadkaba, kaalin muhiimana kulahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo marxuumku ka mid ahaa bahda waxbarashada, ganacsatada reer Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda waxbarashada, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Exit mobile version