WAJAALE NEWS

“20Maalmood In Ayay U Xidhan Yihiin Wasiirka Beeraha, Kaliyana Waxa Lagu Haystaa Maxaa Uga Hadasheen Cabdirasaq Gorayo Dilkii Loo Gaystay..”Xil Maxamed Abiib.

BOORAMA(W,N)-Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid mudanayaasha golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka awdal ayaa ka hadlay xadhig laba muwaadin oo reer boorama islamarkaana ka hadlay dhaawac loo gaystay wiil dhalinyaro ah.

Xildhibaan maxamed abiib ayaa xadhiga laba muwaadin oo xidhan mudo 20cisho ayaa ku eedeeyay xadgigooda wasiirba beeraha oo marka horeba lagu eedeeyay dilka loo gaystay cabdirasaaq gorayo,

Xildhibaa maxamed Abiib Ayaa qoraal uu kaga hadlayo xadhiga labadan muwaadin ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookg wuxuna udhignaa sidan;

“20 maalmood in ka badan ayay u xidhanyihiin wasiirka beeraha kaliyana waxa lagu haystaa maxaa uga hadasheen Cabdirasaq gorayo dilkii loo gaystay..

Shalay ayaan tagay saldhiga dhexe oo aan ku balanay inay dagdag u gudbiyaan eeda ay u hayaan gungaadhkeeda.

Maalmaha soo socda ayaan sharci darada xadhigan faahfaahin doonaa hadii alla idmo hadaan dagdag loogu celin xoriyadooda”.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doortay Gobolka awdal ayaa sidaasi qoray.

Exit mobile version