HARGAYSA(W,N)- Siyaasi Rashiid Jaamac Yuusuf (Sheekhul axmar) oo kamid ah siyaasiyiinta sare ee xisbiga wadani ayaa xukuumada ugu baaqay in ay talaabo ka qaado salaadiyiin maalmihii udanbeeyay uhanqal taagayay somaliya iyo inay galayaan wadahadaladii Somaliland iyo somaliya isagoo xusay in arimaha wadahadalka lagu ogaa xukuumada balse aanay garanayn sobobta salaadiyiinta ay udaawanayso ficilada kasoo baxaya.
Dhanka kale siyaasi rashiid ayaa sheegay in madaxdhaqameedka hadlayaa ay yihiin kuwii shalay madaxwayne biixi soo dhisay ee kursiga fadhiisiyay wakhtigana aanu garan sobobta ay ololaha ugaleen hadii aanu madaxwaymuhu kula socon
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;