Hargeysa (WJN)- Ardaydii barnaamijka Shaqo Qaran ee Dufcadii 2Aad ayaa waxaa ay maanta u ambabaxeen xerada tobabarka ee Dararweyne.
Ardaydan ka qayb qaadanaysa barnaamijka Shaqo Qaranka ayaa mudo Sadex Bilood ah waxaa ay tobobar ku soo qaadan doonaan xarunta tobobarada Ciidamada ee magaalada Darar-weyne.
Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed oo Ardaydaasi kula hadley garoonka kubada Cagta ee Hargeysa ayaa u jeediyay kalmado isugu jira dhiiri gelin iyo dardaaran.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka
https://youtu.be/fpOAb47oVBU