WAJAALE NEWS

In Ka Badan 2 Milyan Oo Xujay Muslimiin Ah Oo Maanta Si Nabad Galiyo Ah U Gudanaya Rugniga Ugu Wayn Acmaasha Xajka

Hargeysa(W,N)- In ka badan 2 milyan oo muslimiin xujay ah isla markaana daafaha kala duwan ee dunida ka kala yimi ayaa waxay maanta si nabad galiyo ah u gudanayaan rugniga ugu wayn acmaasha Xajka.

Iyaga oo xujaajtana ay taagan yihiin buurta iyo banaanka Carrafa,waana maalin umadda muslimiinta ah ku wayn,waxaana ay xujayda inta awoodaysaa ay dusha uga baxayaan Buurta Carrafa oo ah goobtii uu Nabigeena Suuban NNKH ha ahaatee uu ku istaagay,balse dhulka ay ku fadhigo Carrafa ayaa ah dhul barakaysan,waxaana muslimiinta xujayda ah intaan awoodin inay buurta dusha u baxaana ay fadhiistaan dhulka hoose iyaga oo alle halkaasi ku baraya.
Waxaana ay maanta xujaydaa ka badan 3-da Milyan ee kala kala yimi dunida daafaheeda ay si nabadgaliyo ah u gudanayaan rugniga ugu wayn acmaasha Xajka,waxaana ay galabta marka ay cadceedu dhacdo ay xujaajtu ka guurayaan goobtaasi iyaga oo sii maray Mina isla markaana ku tuuraya Jamaraadka ama dhagax tuurka,waana meel ay iskugu yimaadaan dhamaan xujaajta oo dhami.

Maalinka barri ah ayaa waxay ku beegan tahay maalinka Ciida Caraffa oo ah maalin farxadeed oo ku wayn dhamaan umadda Muslimiinta ah.

Exit mobile version