WAJAALE NEWS

Dawlada Kenya Oo Xayiraadii Ka Qaaday Xawaaladaha Somalida

Madaxwaynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ku amray masuuliyiinta bangiga dhexe ee dalkiisa in ay xayiraadda ka qaadaan xawaaladaha Soomaalida ee hore loo xanibay markii ay dhaceen weeraradii Al-shabaab ka gaysteen waqooyi bari dalkaasi.

Uhuru kenyatta ayaa sidoo kale masuuliyiinta Bangiga ka dalbaday in ay sameeyaan xeer hadda kadib lagula socon doona nidaamka xawaaladaha Lacagta.

 

Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay xayiraad ku soo rogtay ugu yaraan 13 xawaaladaha lacagta ah iyo xisaabaadka ay leeyihiin 85 qof oo lala xidhiidhiyay maal galinta ururo argagixiso, arrintasi ayaa ka dambaysay kadib markii 148 qof lagu dilay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya.

 

Exit mobile version