WAJAALE NEWS

Doon Ay Saarnaayeen Dad Tahriib Ah Oo Ku Degtay Xeebaha Dalka Talyaaniga

HARGEISA(Wajaalenews);Ugu yaraan 14 ayaa badda ku dhintay kaddib markii dooni ay saarnaayeen dad tahriib ah oo ka yimid Libya ay kula degtay xeebaha dalka Talyaaniga.

Ciidanka badda ee Talyaaniga ayaa sheegay in turada dhimashadu ay kor u kici karto.

Waxa ay ciidanku hadda ku jiraan hawlgal ay ilaa hadda badda kaga soo saareen laba boqol oo qof.

 Waa doontii labaad ee degta muddo maalmo gudahood ah.

Dhinaca kale waxaa jirtay iyana dooni toddobaad ka hor ku degtay xeebaha dalka Giriigga, waxaan waraysi la yeelannay gabar ka badbaaday doontaasi oo dadkamku dhintay 17 ka mid ah ay Soomaali ahaayeen.

Muno Abuukar Nuur oo hadda joogta magaalada Athens waxaa wareystay Farxaan Maxamed Jimcaale oo ay uga sheekeeysay sida ay doonida u degtay.

Source: BBC

 

Exit mobile version