WAJAALE NEWS

Al-shabaab Oo Weerartay Fadhiisimo Ay Ciidamada Somaliya Ku Leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose Iyo Khasaare Ka Dhashay.

MUQDISHO(W,N)-Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal labada dhinac oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu waramayaa in uu sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac soo kala gaaray garabyada iska hor yimid.

Saraakiil  ka tiran milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay sika  difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, islamarkaana ay  khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab ayaan  ka hadlin weerarka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Aw-dheegle oo ay  saldhigyo ku leeyihiin ciidamada xoogagga dalka.

Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah deegaannada ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab inta badanna waxaa ka dhaca iska hormaadyo u dhaxeeya Al-shabaab, ciidamada dowladda iyo kuwa Howlgalka midowga Africa AMISOM.

Exit mobile version