Hargeysa (WJN) – Abaaro 2:45 ee habeenimadii xalay ayaa dab xooggan ka kacay goobta sawirrada Caafimaadka ee Hayat Diagnostic Centre, dabkan oo ahaa dab laxaad leh ayaa ka bilaabmay dhismaha oo ka koobnaa laba qaybood, dhisme hore iyo dhismayaasha dambe ee casriga ah.
Dhismaha qaybta hore ayaa dabku ka bilaabmay kuna xooganaa iyadoo halkaasna ka dhashay khasaare hantiyeed, halka dhismaha cusub ee fooqa ah ay ciidanka Dab-demisku dabkaa ka xakameeyeen kana hor istaageen inuu ku fido dabku, iyo meherado oo u badnaa bakhaaro oo ku dhinac yaalay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka