WAJAALE NEWS

DAAWO;-Xisbiga Wadani Oo Naqdiyay Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Jabuuti, Golaha Baarlamaankana Ugu Baaqay In Ay Madaxwaynaha Uyeedhaan.

HARGAYSA(W,N)- Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa naqdiyay war-murtiyeedkii laga soo saaray kulankii Jabuuti ku dhex-maray Somaliland iyo Soomaaliya isagoo ku tilmaamay in soomaliland guuldaro wayni kasoo gaadhay “Guul beenadki Shacabka masaakinta ah lagu soo saarayey ee sidi ciyaartoyada koobabka soo qaada gawaadhida madaxa kala dhacayeen way beenowday maanta, Baarlamaanku waa in ay Madaxweynaha u yeedhaan oo wax ka weydiiyaan heshiishkan.

Sidoo kale xoghayaha xisbiga wadani ayaa ka hadlay sida ay dalalka caalamku umidoobaan maba ku kala go,aan

Dalalka dunida marka ay midoobayaan waxaa shardi ah in is dhexgal fanneed, ciyaareed, aqooneed, ganacsi la sameeyo, Hawada la wada maamulaya wa ta Somaliland yaa wada maamulaya ayey su’aashu tahay? ” Umadda runta ha loo sheego oo beenta ha laga daayo shacabkuna waa in ay tashadaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version