Adis Ababa(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu Ambo-baxay Dalka Burundi. Kadib markii marti qaad rasmiya ka helen dawlada dalkaasi gaar ahaan madaxweyne xigeenka dalka Burundi.
Waftiga Gudoomiyaha xisbiga ucid ayaa waxaa safarkan ku Weheliya Murashaxa madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Prof Abyan iyo Xubno kale ,
Waftiga xisbiga cadaalada Iyo daryeelka Somaliland ayaa kusii Nastay magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis ababa isagoo Xarunta safaaradda Somaliland ay ku qaabileen Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Ethopia Mudane Yuusuf Maxamed Guuleed Iyo Ku Xigeenkiisa Barkhad Kaariye.
Safarka gudoomiyaha xisbiga ucid iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa marti qaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Burundi oo ka mid ah wadamada qaarada Africa.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.