Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Ambo Baxay Dalka Burundi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Ambo Baxay Dalka Burundi.
December 30, 2019 - Written by Editor:

Adis Ababa(W,N)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wefti uu hogaaminayo  ayaa safar shaqo ugu Ambo-baxay Dalka Burundi. Kadib markii marti qaad rasmiya ka helen dawlada dalkaasi gaar ahaan madaxweyne xigeenka dalka Burundi.

Waftiga Gudoomiyaha xisbiga ucid ayaa waxaa safarkan ku Weheliya Murashaxa madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Prof Abyan iyo Xubno kale ,

Waftiga xisbiga cadaalada Iyo daryeelka Somaliland ayaa kusii Nastay magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis ababa  isagoo  Xarunta safaaradda Somaliland ay ku qaabileen  Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Ethopia Mudane Yuusuf Maxamed Guuleed Iyo Ku Xigeenkiisa Barkhad Kaariye.

Safarka gudoomiyaha xisbiga ucid iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa marti qaad rasmi ah ka helay madaxda dalka Burundi oo ka mid ah wadamada qaarada Africa.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS