WAJAALE NEWS

“Golaha Wakiiladu Iyagoo Mudo Kordhin Ku Fadhiyay Kuraasta, Ay Imikana Ku Darsadeen Waalid Caasi”Ex Wasiir Shucayb,

GABILEY(W,N)-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Warshadaha Xukuumadii Axmed Siilaanyo Shucayb Maxamed Muuse ayaa ka hadlay xeerka waxka badalkiisu muranka culus ka dhex abuuray Guurtida iyo Wakiilada Ee Ismaamulka Gobolada Iyo Degmooyinka.

Ex wasiir shacayb oo hore uga mid ahaa siyaasiyiinta dhaliilay Waxka badalka ay golaha wakiiladu marki hore ku sameeyeen ayaa soo dhaweeyay talaabada ay golaha guurtida waxkaga badaleen,

Sidoo kale Ex wasiir shucayb ayaa  golaha wakiilada ku eedeeyay in iyagoo mudo dhaaf ku fadhiyay kuraasida ay hadana ku darsadeen waalid caasi iyo in ka horyimaadaan golihii guurtida.

HALKAN DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version