WAJAALE NEWS

Xogo Iftiimiyey Qorshe Aqoonsi oo Itoobiya u bandhigtay Madaxweynihii hore Somaliland iyo Doorkii Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Jabuuti

Maraykanka Shuruud Ku Xidhay Aqbalaada qorshihii Itoobiya

Addis Ababa, (Wajaalenews)- Safiirkii hore ee Dowladda Maraykanka u fadhiyey magaalada Addis Ababa, Mr. Donald Yamamoto, ayaa sheegay in Raysal-wasaarahii hore ee Itoobiya Meles Zenawi uu dowladdiisa u soo jeediyey Aqoonsi kooban oo Somaliland la siiyo.

 

downloadMr Donald Yamamoto waxa uu sheegay in Raysalwasaare Meles Zenawi uu Aqoonsiga Somaliland ku sababeeyey inuu qayb ka qaadanayo xoojinta xasiloonida gobolka iyo arrimahooda gudaha ee kobcinta nidaamka dimoqraadiyadda Somaliland isla markaana u saamaxaya inuu halbowle u noqdo balaadhinta taageerada beesha caalamka ee Somaliland.

Sida lagu faafiyey xogo Safiirkii safaarada Maraykanka ee Addis Ababa Yamamoto gudbiyey 02 Febr, 2009, oo shabakada Wikileaks faafisay ayaa ku sheegay in kulan dhexmaray Mr. Phil Carter, la-taliyaha xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Afrika, iyo Raysal wasaarahii Itoobiya Zenawi 30kii, January, ku dooday Zenawi in xidhiidhka beesha caalamka la leedahay Somaliland aanu muuqan, isla markaana Somaliland u baahan tahay qaab u saamaxa in si sharciyan ah beesha caalamku ugu aqoonsato maamul ay la macaamili karaan.

Safiirkii Maraykanka ee Yamomoto ayaa raaciyey xogaha uu gudbiyey in Raysal wasaare Zenawi aqbalay dooda Mr Carter ku sheegay in khilaafyada arrimaha gudaha ee Somaliland ee labadii sannadood u dambeeyey aanay taageerayn qadiyadooda, soona jeediyey inay dhamaystaan khilaafka, isla markaana qabsadaan doorashooyin madaxbanaan, inkastoo Zenawi raaciyey inaanu nidaamka dimoqraadiyada Somaliland sii socon Karin hadaanu helin aqoonsi kooban, oo saamaxda helitaanka taageero caalami ah oo kobcisa nidaamkooda dimoqraadi.

Xogahan ay faafisay Wikileaks, ayaa lagu sheegay in Raysal wasaarihii hore Itoobiya u soo bandhigay madaxweyne Daahir Riyaale in Somaliland la siiyo derejada dowladnimada maamulka Falastiin, isaguna si weyn ugu riyaaqay qorshahaa.

Xogahani waxa ay iftiimiyeen in sidoo kale Raysalwasaare Zenawi uu u soo jeediyey Carter in tallaabada labaad noqoto in beesha caalamku kaalin ka qaadato ka dhaadhicinta shacabka Somaliland, taasoo dabadeed Somaliland u baahan tahay wadan ka dhextaageera qadiyadooda qaarada Afrika.

Raysal wasaare Zenawi ayaa soo jeediyey in dalka Jabuuti yahay ka ugu haboon, balse Itoobiya cawaaqib xun ka dhalan karo hadday gasho, maadama in badani ka aaminsan yihiin inay iyagu kala goynayaan Soomaaliya.

Exit mobile version