WAJAALE NEWS

DAAWO;-Wasiirkii Hore Ee W, Warshadaha Jsl Oo Si Adag Uga Horyimid Xeerka Golaha Wakiiladu Ansixiyeen, Guurtidana Ugu Baaqay In Ay Dib Usoo Celiyaan.

“Lama Garanayo Soboba Golaha Wakiiladu Uga Tageen Degmada Tog Wajaale Oo Aynu Ognahay Qiimaha Ay Dalka Ugu Fadhido”Ex Wasiir Shucayb,

 “Golaha wakiiladu Iyagoon Meela Tagin Oo Wax soo Qiimayn ayay wax Ansixiyeen”wasiir shucayb,

HARGAYSA(W,N) Wasiirkii hore ee Wasarada Warshadaha xukuumadii Axmed siilaanyo Shucayb Maxamed uuse oo kamida siyaasiyiinta dalka iyo guud ahaan gobolka Gabiley ayaa si adag uga horyimid xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyink oo maalintii shalay ay ansixiyeen golaha wakiilada kaasi oo ay ku jiraan galdaloolooyin faro badan.

Sidoo Kale Ex wasiir shucayb ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gabi ahaanba laga tago degmada tog wajaale oo kamida degmooyinka ugu dhaqaalaha badan dalka goluhuna gabi ahaanba aanay meelna ku xusin.

Siyaasi shucayb ayaa golaha guurtida ugu baaqay dib loosoo celiyo xeerkaasi islamarkaana ay gudi u kala diraan dalka si ay usoo qiimeeyaan degmooyinka uqalma demonimo.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan;

 

Exit mobile version