WAJAALE NEWS

Itoobiya iyo China oo Kala Saxeexday Heshiis La Xidhiidha Xoojinta Tamarta Korontada

Addis Ababa (WJN)– Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku jooga dalka China ayaa waxaa uu kulan la qaatay madaxda shirkadda shidaalka ee dalka shiinaha.

Kulanka labada masuul ayaa waxa ay ku kala saxeexdeen heshiis ku kacaya 1.8 bilyan oo dollar, kaas oo ku saabsan horumarinta bixinta tamarta korantada iyo qaybin-teeda.

Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa dowladda Itoobiya ilaa 16 beeraha warshadaha, Addis Ababa ilaa Jidka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, sida lagu sheegay war-kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha itoobiya.

Dowladda  Itoobiya ayaa  ballan-qaadey wada-shaqeyn buuxda inay la yeelato Shirkadda China gaar ahaan in ay awood u yeelato maal-galinta tamarta.

Heshiiskaas waxaa dowladda Itoobiya u saxeexay oo wafdiga ra’iisal wasaare Abiy Axmed Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version