WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Ururada Bulshada Rayidka oo Gudiga Dooroshooyinka Ugu Baaqay Inay Is Casilaan

Hargeysa (WJN)– Daladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa Guddiga doorashooyinka Somaliland ku eedeeyay inay ku fashilmeen inay qabtaan doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo degaannada.

SONSAF ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinku aanay kalsooni ka haysan Xisbiyada ay dhexdhexaadinayaan, sidaa darteedna waxay u soo jeediyeen inay kuraasta banneeyaan, si ay yidhaahdeen doorashadu u qabsoonto.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo xubnaha Daladdaasi ku qabteen Hargeysa ayaa sheegay in kulankii dhexmaray gudida doorashooyinka iyo Golaha Guurtida ay uga cadaatay in wax doorashooyin ah oo qabsoomayaa aanay jirin islamarkaana ay gudida doorashooyinka gabi ahaanba is casilaan.

“Waxa noo muuqatay inay fashilantay wakhtigii doorashada la qaban lahaa, markaa waxaanu soo jeedinaynaa ama ay noola muuqataa haddaad garsoore tahay oo aad Cid u garsoorayso, haddii dhinac ka mid ahi kugu kalsoonaan waayey ama aad dhammaantoodba ka waydo wada-shaqayn, Guddiga doorashooyinka waxaanu u soo jeedinaynaa in aanay wakhtiga ka lumin Ummadda iyo Qaranka oo ay banneeyaan Kuraasta ay ku fadhiyaan, si ay doorashadu u qabsoonto..”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version