WAJAALE NEWS

Ujeedka Booqasho Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ku Tagay Safaaradda Itoobiya

Hargeysa (WJN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta booqasho ku tagay safaarada Itoobiya ee ay ku leedahay magaalada Hargeysa.

Ujeedka booqashada Madaxweyne ku xigeenka, ayaa la xidhiidhay sidii uu dalka Itoobiya uga tacsiyadayn lahaa Shilkii diyaaradeed ee maalintii shalay ka dhacay dalka Itoobiya oo ay ku dhinteen 157 qof oo diyaaradda saarneyd, isagoona ay halkaasi ku soo dhaweeyay safiirka Itoobiya u ee Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.

Waxaana ku simaha madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Exit mobile version