|
|||||
WAJAALE NEWS
Ujeedka Booqasho Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ku Tagay Safaaradda Itoobiya
March 11, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta booqasho ku tagay safaarada Itoobiya ee ay ku leedahay magaalada Hargeysa. Ujeedka booqashada Madaxweyne ku xigeenka, ayaa la xidhiidhay sidii uu dalka Itoobiya uga tacsiyadayn lahaa Shilkii diyaaradeed ee maalintii shalay ka dhacay dalka Itoobiya oo ay ku dhinteen 157 qof oo diyaaradda saarneyd, isagoona ay halkaasi ku soo dhaweeyay safiirka Itoobiya u ee Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenku saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi. Waxaana ku simaha madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey tacsida agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada iyo Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Cali bile iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka). Related posts:Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Dad Xanuunka Covid_19 Qaba Oo La Sheegay In Ay Baxsadeen Dawlada Somaliya Oo Sas Ka Qaaday Soo Dhawayntii Jabuuti Ee Waftiga Madaxwaynaha Jsl Iyo Talaabada L... Daawo:“Gaalada Naga Baxa Ayaanu Leenahay Haday Bixi Waayaana Talaabo Ayaanu Ka Qaadi" Eng.Maxamed X.... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|