|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Xilal Cusub Magacaabay Qaarkalena Isku Badeley
March 2, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa magacaabay saddex xoghaye oo muhiim ah iyo lataliyaha gudoomiyaha ee maalgashiga, iyada oo xilalkan qaarkood laysku badeley halka qaar cusubna la magacaabay. Xoghayaha Arrimaha Gudaha ayaa waxa loo magacaabay Md. Mustafe Maxamuud Qodax halka Xoghayaha Warshedaha loo magacaabay Md. Cali Cabdilaahi Dagaal oo hore u ahaa Xoghayaha Dhaqanka Iyo Hiddaha. Xoghayaha Dhaqanka Iyo Hiddaha ayaa waxaa loo gacaabay Md. Cabdi Guuleed Gaboobe iyadoo lataliyaha Gudoomiyaha Ee Maalgashiga Loo magacaabay Md. Axmed Cali Ubaxle oo hore u ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha. Ugu dambayn gudoomiyaha ayaa ilaahay uga baryey masuuliyiintan cusub inuu xilkooda ku garabgalo, isla markaasna noqdaan qaar ku guulaysta xilalkaas ay qaadeen.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:DAAWO; La taliyaha Dhaqaalaha Ee Madaxwaynaha Somaliland Dr. Cismaan Sh. Ahmed Oo Ka Warbixiyay Waxy... Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Cambaareeyay Wariye Koox Aan Haybtooda La Garanayni Ay Jidh Dil Ugu ... DAAWO;-Wasiirka Warfaafinta DDSI Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolka Tigrey Iyo Dhibaatooyinkii Ay ka Gayst... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|