WAJAALE NEWS

Maamulka Soomaaliya oo Si Deg Deg Ah Ugu Yeedhatay Safiirkeedii U Fadhiyay Geneva

Geneva (WJN)- Dowladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeedhatay inay dalka ku soo gasho Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Warqad uu ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibadda dawlada aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya, ayaa lagu amray Amb. Faadumo Insaaniya inay muddo aan toddobaad ka badneyn ku soo gasho xarunta wasaaradda ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Laguma caddeyn warqada sababta sida deg deg ah safiirka loogu yeedhay, balse waxaa lala xidhiidhay aamuskii ay safiirka ka aamustay qaraarkii lagu cambaareeyay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Sidoo kala, lama ogga wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Soomaaliya inay la ogeyd go’aankii ay safiirka uga aamustay qaraarka,iyadoo Soomaaliya ay ka mid ahayd shan dal oo qaraarka ka aamusay.

 

Halkan hoose ka akhriso warqada

 

Exit mobile version