Aad ayay u adkayd in laga shakiyo, Maalin kasta Toban goor ayay labisan jirtay si aan loo garan,
Warkan ka soo baxay ciidamadda amaanka ee Kenya ayaa lagu sheegay in haweenayadan laga soo qabtay meel aan laga filayn, iyada oo markii gacanta lagu soo dhigay iyadda iyo Afar carruur ah oo ay dhashay guri ay kiraysatay oo ku yaalla meel ku dhaw oo aan ka daraugsanayn xaruntii ganacsiga ee la weeraray ee Westgate ee ku taalay badhtamaha magaaladda Nairobi.
Haweenayadan oo uu qabay ninkii Jumaykaanka ahaa ee ka danbeeyay weeraradii is-qarxinta ahaa ee sanadkii 2005-tii ka dhacay xarumaha tareenadda dhulka hoostiisa mara eek u yaalla magaaladda London sagaal sano ka hor, xilligaas oo ay haweenayddani si rasmi u canbaaraysay qaraxa uu ninkeedu geystay.
Ninkii ka masuulka ahaa gurigga ay haweenaydani kiraysatay oo u waramayay war-fidiyeenadda ayaa sheegay in haweenayadan iyo afarteedda carruurta ahi ay deganaayeen gurigan hada laga qabtay muddo gaadhaysa Toddoba bilood , waxaanu xusay in haweenayddani ay u sheegatay in ay ka soo guurtay Hutel ku yaala magaaladda Nairobi oo ay kula noolayd dad ay saaxiib yihiin.
Waxa kale oo uu ninkani intaa ku daray in gurigan uu kaga kireeyay bishii lacag gaadhaysa Kun Dollar, waxaanu sheegay in ay u yaaleenn iyadda iyo carruurteeda laba furaash iyo Fadhi, waxaanu yidhi isaga oo arrimahan sii faah-faahinaya,
??Muddadii Toddobadda bilood ahayd ee haweenaydan iyo carruurteeddu ay ku noolaayeen gurigan aan ka kireeyay, aad iyo aad ayay u adkayd in laga shakiyo, waxa jirtay muddadaa ay gurigan ku jireen in ay mar u safartay magaaladda xeebeedka dekadda ah ee Mombasa, Seddex bilood ka dib ayay bilowday in ay gaadhi kaga soo adeegato suuqa, maalin kasta in ka badan toban jeer ayay lebisan jirtay haweenayddani oo ay maryaha iska baddali jirtay si aan loo garan, iyadda iyo afarta carruur ah ee ay dhashay-ba´´, ayuu yidhi ninkani.
Booliska caalamiga ah ee Interpol, ayaa soo saaray amar lagu soo xidhayo haweenayddan, qaraxii lagu hoobtay ee lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate ee Nairobi, kaddib, Iyadda oo dawladda Kenya ay dalbatay soo qabashadda gabadhan, laguna eedeeyay in ay ku lug lahayd falal ka dhan amaanka sanadkii 2011-kii, balse war ka soo baxay dawladda Kenya ayaa sheegay in inkastoo si weyn loo tuhunsan yahay in haweenaydani ay ku lug lahayd weerarkii Westgate lagu qaaday, balse aanay jirin wax tafaasiil ah oo cadaymo ah oo lagu kalsoonaan karo oo si cad u muujinaya in ay ka qayb qaadatay weerarkan Westgate oo ay ku dhinteen in ka badan 67 qof.
WAJAALE NEWS DESK
KENYA REPORTER