WAJAALE NEWS

Cali khaliif Galydh Iyo Faysal Cali Waraabe Oo La Filayo Inay Ku Kulmaan Deegaanka Widh-widh Ee Gobolka Sool

Hargeysa(W,N)-Warar xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in xalay Sagaalkii Habeenimo uu horjooge Cali Khaliif Galaydh ka baxay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn oo maalmihii u danbeeyeyba uu ku sugnaa.

Horjooge Cali Khaliif ayaa la sheegay inuu xalay u baxay deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool oo mudooyinkii u danbeeyey xarun u ahayd Cali Khaliif.

Kasoo bixitaanka Buuhoodle xalay ee horjooge Cali Khaliif ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan,xogaha ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool uu isna tagayo Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,kadib daah furka xaflada qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha oo lagu wado inay ka dhacdo Ceerigaabo maalinka barri ah oo bishuna tahay 10.8.2017.

Waxaana la filayaa in ay deegaanka Widh-widh ee gobolka Sool ay ku kulmaan horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo kamid ah xubnihii dhanka dawlada Somaliland u matalayay wada hadalada dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo,isla markaana ay kaga wada hadlaan arrimo khuseeya wada hadalada dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo u socda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha ee ka bilaabmaya gobolka Sool.

Exit mobile version