WAJAALE NEWS

Gabadh Yar oo Agoon iyo Rajo Ah oo Ku Nool Goday oo Farsamadeeda Lala Yaabay

Goday (WJN)- Gabadh yar oo agoon iyo rajo ah oo ku nool magaalada Goday ayaa dad badan ka yaabisay ka dib markii ay arkeen farshaxan ay samayso iyo han sare oo ay nolosha ka leedahay.

Hibo Ugaas Caafi ayaa waraaqo iyo kaartoomo ay jarjartay oo midabbo kala duwan marisay ka samaysa ubaxyo qurqurux badan, intaas oo kali ahna ma aha ee waxay ku haminaysaa in ay injineer noqoto.

“Anaga oo guri ka dhisanayna magaalada Goday ayaan ka yaabay walaashay maskax furnideeda iyo sida ay dhismaha u fahamsan tahay, markaas ayaan go’aansannay aniga iyo walaaladayda kalaba in aan ku garab istaagno taageero maskaxeed iyo mid dhaqaalaba” ayuu yidhi walaalkeed Fu’aad Ugaas Caafi.

Hibo oo halkaas fursad uga soo baxday ayaa sii labo jibaartay xiisihii ay u qabtay injineernimada, waxayna hadda samaysaa naqshado guryo iyo waddooyin.

“Warqado, kaartoomo iyo koolo aniga oo adeegsanaya ayaan sameeyaa magaalooyin macmal ah oo ka kooban guryo dabaqyo ah, wadooyin laami ah oo dhex mara, goobo ay carruurti ku ciyaaraan, iskuullo iyo Cisbitaallo,” ayay tidhi Hibo Ugaas Caafi.

Walaalkeed Ugaas Caafi oo sheegay in uu booskii waalidkeed ugu jiro ayaa sheegay in uu dhaqaalaha ka caawiyo marka ay u baahato.

Hibo ka sokow hamigeeda ah in ay injineer noqoto, isla waraaqadahaas ayay ka samaysaa ubaxyo qurux badan.

“Waxaan daawaday muuqaal ku saabsan ubaxyo la samaynayo, intaas ka dibna waxaan billaabay in aan anigu sameeyo ubaxyo,”

Inkastoo Hibo ay wayday labadeedii waalid haddana arrintaas kama hor istaagin in ay hami wayn yeelato, waxayna ku taamaysaa in ay muqtaqbalka noqoto injineerad guryaha naqshadaysa iyo farshaxniiste.

Walaakeed Ugaas caafi oo ahmiyadda garab istaagidda carruurta ka hadlayana wuxuu sheegay in uu walaashii garab taagnaan doono, tan iyo inta ay himilooyinkeeda ka gaadhayso.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version