WAJAALE NEWS

Taliye Ku Xigeenkii Hore ee Booliska Oo Bogaadiyay Darajadda Lagu Taxay Ciidamadda Somaliland

Derajo siinta Ciidanka waxaan u arkaa arrin ay ku dhici waayeen xukuumadihii dalka soo maray oo lagu dhiiraday

Hargeysa (Wajaale News) – Ciidamadda Kala Duwan ee Somaliland ayaa todobaadkii hore lagu taxay Darajooyin.

Darajooyinkan oo ay xukuumadihii kala dambeeyay Somaliland ku taamayeen ayay suurtogashay Xukuumadda uu gadh wadeenka ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

0pt; tab-stops: 97.5pt”>Inkasta oo ay jiraan tabashooyin ka soo baxay qaybinta darajadaasi, ayaa haddana waxa si aad ah u soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland.
Taliye Ku Xigeenkii hore ee Ciidamadda Booliska Somaliland Maxamed Shiil Dhidar ayaa soo dhaweeyay darajadda la siiyay Ciidamadda Somaliland, waxaanu yidhi
Derajo siinta Ciidanka waxaan u arkaa arrin ay ku dhici waayeen xukuumadihii dalka soo maray oo lagu dhiiraday, waxaanay tilmaamaysaa horumar fiican oo la gaadhay.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u  waramayay warbaahinta dawladda.

 

Wajaale News

Office Hargaisa/Somaliland

 

 

 

 

Exit mobile version