WAJAALE NEWS

Dowladda Turkiga ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii horraantii toddobaadkan lagu qaaday guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe

Tturkigaurkiga (Wajaale News)-Dowladda Turkiga ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii horraantii toddobaadkan lagu qaaday guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe ee gobolk Shabeellada Hoose, iyadoo sidoo kalena been ku tilmaantay eedeyntii Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday guriga ku yaalla degmada Baraawe ay ahaayeen ciidammo Ingiriis iyo Turki ah, isagoo sheegay inay dhaawacmeen askari Turki ah.

?Waxaanu beeninaynaa eedeyntaas gabi ahaan,? sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga. Isagoo sheegay inaysan jirin ciidammo ka tirsan dalkooda oo weerar ku qaaday Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa eedeynta beenisay dowladda Britain oo sheegtay inaysan ku lug lahayn weerarkaas, kaasoo mas?uuliyaddiisa ay sheegatay dowladda Mareykanka oo xustay inay ku raadjoogtay sarkaal

u dhashay Kenya oo ka tirsan Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen degmada Baraawe uu ahaa mid ay ku beegsanayeen sarakaal lagu magacaabo C/qaadir Maxamed C/qaadir oo Kenyan ah, inkastoo aan lagu guuleysan.

Al-shabaab ayaa horay ugu eedeysay dowladda Turkiga inay u adeegayso dalalka reer galbeedka, iyadoo dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay beegsan doonto hay?adaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya.

Turkiga ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya hay?ado gargaar oo fara badan kuwaasoo ka shaqeeya dhismaha iskuullada, waddooyinka, isbitaallada iyo caawinta dadka dhibaateysan, iyadoo Al-shabaab ay qarax ku weerartay qunsuliyad taabacsan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Hargeysa Office
Wajaale News

Exit mobile version