WAJAALE NEWS

Koox Xidhiidh Lale Al-qaacida Oo Soo Bandhigtay Muuqaalka Dad U Afduuban

Urur Al-Qaacida xidhiidh la leh oo saldhigiisu yahay dalka Mali ayaa ku soo beegay booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emannuel Macron ku joogo dalkaas, baahinta muuqaal fiidyow ah oo muujinaya lix qof oo ajaanib ah oo ay af-duub ku haystaan.

Dadkaa waxa ka mid ah nin Faransiis ah oo u shaqeeya hay’ad aan dawli ahayn, dhakhtar ku takhasusay qalliinka oo da’ah una dhashay dalka Australia iyo haweenay baadariyad ah oo u dhalatay dalka Colombia.

Muuqaalkaa la baahiyey ayaa sheegay in aan wada xaajood “dhab ah” laga gelin soo daynta dadkaas.

Macron ayaa Mali ku jooga booqasho uu doonayo inuu dhidibadda ugu sii adkeeyo taageerada reer galbeedka ee xoogagga gobolka ee dagaalka kula jira midtidiintaa.

Dadka af-duubka loo haysto ee muuqaalkaa lagu arkay waxa ka mid ah Sophie Petronin oo laga qafaashay bishii Diisember ee hore magaalada Gao, halkaas oo ay ka shaqayso hay’ad ay madax ka tahay oo caruurta nafaqo darradu hayso caawisaa.

Codka lagu ladhay muuqaalku wuxu sheegay in haweenaydaa Petronin ay rajo ka qabto in Macron gacan ka geysan doono sidii ay ugu noqon lahayd qoyskeeda.

Isagoo ka hadlayey caasimadda Mali ee Bamako, aya Macron wuxuu sheegay in Faransiiska iyo shanta dal ee la isku yidhaa “Sahel G5”, oo kala ah Mali, Burkina Faso, Chad, Mauritania iyo Niger, ay tahay in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo cidhib tiri lahaa “argagixisada, tuugta iyo gacan ku dhiigleyaasha”.

Waxaanu intaa ku daray in Faransiisku “tamartiisa oo dhan iskugu gayn doono sidii loo cidhib tiri lahaa argagixisada” af-duubay Petronin.

Muuqaalka waxa kale oo ku jira nin u dhashay Koonfur Afrika oo la yidhaa Stephen McGown oo isna ku cataabaya in dhibta haysataa soo gabogabowdo.

Waxaanu yidhi ” waxaanu duubaynaa muuqaal cusub laakiin garan maayo wax aan idhaa. Hadalkiib hortay la yidhi oo muuqaallo horoo la baahiyey ayaan waxaan odhan lahaaba ku dhameeyey.”

Exit mobile version