WAJAALE NEWS

Saraakiishii Ururkii SNM oo Ka Waramay Guda-galkii Hargeysa Ee 31 May 1988-kii

Hargeysa (WJN) – Maanta oo kale waxa ay ku beegan tahay 31-kii May 1988-kii markii ay cutubyo ka tirsan ururkii SNM ay saqdhexe si miidamo leh u soo galeen gudaha magaalada Hargeysa.

Ciidamadii SNM ayaa markii ay gudaha u soo galeen magaalada Hargeysa waxa ay abaareen xeryahii ciidamdii milateriga Soomaaliya ee ku yaalay Hargeysa, iyadoona halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamadii SNM iyo kuwii Milateriga Soomaaliya.

Guda-galkii Hargeysa ee mujaahidiintii SNM oo halistiisa lahaa, maaddaama oo aanay isku dhigmayn Xoogaggii mujaahidiintii SNM iyo Ciidammada Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Xilligaa ku sugnaa Magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, Mujaahidiinta Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhego-weyne), Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Cabdiraxmaan Tolwaa), ayaa ka waramay xusuusta Guda-galkii Hargeysa ee Dagaalyahannadii mujaahidiintii SNM, taasi oo ku beegnayd 31 May, 1988-kii.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version