WAJAALE NEWS

Agaasimihii Dhawaan Iska Casiley Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Iyo Xubinimadii Xisbiga Kulmiye Oo Dib Ugu Laabtay Xilkii Uu Hore Iskaga Casiley

Hargeysa(W,N)-Agaasimihii Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Saciid Cali oo wiigan horaantiisii iska casilay Xilkii Xukumada Iyo Xubnimadii Xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsanaa Golihiisa dhexe kuna biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani kalana qeyb galay laba maalmood Ololaha doorashada magaalada Berbera  mudo afar maalmoodana xisbigaas ka tirsanaa ayaa wararka na soo gaadhayaa sheegayaan in uu dibna ugu laabtay xilkii wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo xisbigii Kulmiye ee uu hore isaga casilay.

Warkan oo la xaqiijiyay ayaa waxa uu sumcad xumo ku yahay Masuulkan mudada afarta maalmood gudeheeda u kala dab qaaday Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo xukumada oo dhinac ah iyo Xisbiga Waddani oo dhinac ah.

Sheekha Saleebaan saciid Cali ayaa fagaaraha 26ka Juun ee Berbera laba maalmood ololaha Doorashada Xisbiga Waddani kala qeyb galay isaga oo eedo culus ujeediyay Xisbiga Kulmiye ee uu hada dib ugu laabtay.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtu.be/9e2f5lUKX6A

 

 

Exit mobile version