Xogaha Ku Duugan In Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Iyo Xisbiga Kulmiye Uga Faa”iidaysteen Musuqmaasuqa Xakamaha Goostay In Ay Dabar Uga Dhigaan Masuuliyiin U Digo Rogonaya Xisbiga Wadani.
HARGAYSA (W,N) Aafada Musuqmaasuqu waa cudur dhib wayn ku haya habsami u socodka hanaanka dawladnimo ee S/land, dall kasta oo Aafada Musumaasuqu dabarka goostaana waxay bulshadiisu daris u noqdaan Rajo Xumo,Maamul xumo, Sarif barar,cidhiidhi nololeed iyo dhaqaalaha oo gacanta u gala koox yar sida Dalka S/land uu ku socdo,halka Xilldhibaanada Goloyaasha kala duwan ee Qaranka,Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Maamulka dawlada gacanta ku haysaa,ama ku soo hayn jiray ay noqdaan kuwo Xaalad Jahawareer ah ku jira oo aan la garanayn meel ay u socdaan iyo hadaf ay leeyihiin,waana mid Bulshada S/land ku sobobi karta rajo la”aan ku dhacda,oo suurto gall ka dhigi kara in aynu cagta saarno Jidka Colaadaha,Gaajada iyo barakaca oo ku soo noq-noqda guud ahaan wadamada Qaarada Afrika ku yaala ee jaarkeenu ka mid yahay.
Sidoo kale Aafada Musuqmaasuqu waa cudur jahawareer Siyaasadeed ku rida wadan kasta uu dabarka goosto,iyadoo maanta Saaxada Siyaasada S/land ee lagu tartamayo aad ku arkayso,dhacdooyin aan Wakaalada Filimada Maraykan ee Holy-wood wali matalin,maskaxda Bani-aadamkana ku soo dhicin xataa Bulshooyinka Diinba Aaminsanayni aanay ku kicin, waxaana dhacdooyinkan jilayaal ka ah Siyaasiyiin damiirku dhintay oo Waraabayaal noqday,iyadoo lagu tilmaami karo Maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaa, (Waraabe lafihiisana uma roona laf guri taalana uma roona),sida Agaasimihii guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh Saleemaan oo Tusaale loo soo qaadan karo . Kaasi oo dhawaan iska casilay xilkii uu u hayay qaranka islamarkiibana ku dhawaaqay isagoon xilkii wareejin in uu ku biro xisbiga wadani,
Iyadoo Aqoonyahanka Nidaamka Dawladnimo Aqoonta gaar ah u leh ku tilmaamaan in Astaanta koowaad ee lagu garto Dawlad kasta oo Aafada Musuqmaasuqu xakamaha goosato,waxaana lagu gartaa Hayadaha u qaabilsan la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa gabi ahaanba noqda kuwa hawl gaba oo aan waxba ka qaban karin Aafada Musuqmaasuqa,ugu danbayna iyagu qayb ka noqda macaamilka Musuqmaasuqa,sida Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo .
Waana mid lagu xusi doono Sooyaalka Madaxwayne Siiraanyo oo hanaankiisa Maamul sabobay in Musuqmaasuqu xakamaha goosto,hadiise aan hoos ugu daadago dulucda Faaladan ,waxaa Bulshada S/land yaabka yaabkii ku noqday Masuul ku dhawaaqay Afar maalmood ka hor ku dhawaaqay in uu iska casilay Xilkii uu ka hayay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye isla-markaana Fagaarayaasha kala hadlay Bulshada ku dhaqan deegaanka uu ka soo jeedo, kana sheegay in uu ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani dhaliilana badana ka sheegay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye,in uu Afar maalmood ka dib mar kale Warbaahinta horteeda kaga dhawaaqo in uu ku noqday Xilkii uu ka hayay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye,Sabab kasta ha u sameeyee.
Ugu dambayn guur-guurka Siyaasadeed ee Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Sh Saleemaan, Ayaa sida ay sheegayaan ilo xog ogaala iyo dadka Arimaha Siyaasada S/land ka faaloodaa ku tilmaamayaan, in lagu soo dabray faylal Musuqmaasuq oo laga hayo, iyo hanta badan oo uu dhaca umadadii uu xilka hayay HAAMAHA SHIDAAL BERBERA, waana mid aynu soo dhigi doono Maalmaha soo socda.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
WAJAALE STAFF
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM