WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Waqooyiga Ameerika Ee Xisbiga Wadani Marwo: Suhuur xasan Abiib Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diraysa Qoyskii Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale

SUHUUR 3
Toronto(W.N): gudoomiyaha garabka haweenka ee waqooyiga ameerika ee xisbiga wadani ahna safiirka wareega Marwo Suhuur xassan Abiib ayaa dhambaal rtacsi ah u diraysa qoyskii iyo qaraabadii iyo qaranka jamhuuriyada somaliland iyadoo ka tacsiyadaynaysa geerida naxdinta leh ee ku timi alle ha naxariistee marxuum cabdilaahi jirre ducaale oo shalay lagu aasay xabaalaha boqol jire ee magaalada hargaysa.
marwo suhuur oo dhambaalkaasi ka soo dirtay iyadoo ku sugan magaalada toronto ee cariga canada ayaa waxuu u dhignaa dhambaalkaasi sidan;
“inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun anigoo ku hadlaya afkayga iyo afka haween weynaha waqooyiga ameerika ee xisbiga wadani waxaan halkkan dhambaal tacsi ah uga dirayaa guud ahaan qarranka somaliland gaaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay odey marxuum cabdilaahi jire ducaale ilaahay naxaristii jano ha ka waraabiy inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhamaan
cabdilaahi jirre ducaale waxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii ruugcadaaga ahaa isla markaana waxuu qayb laxaad leh ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii qarranimada somaaliland
sida laga wada warqabana waxuu ahaa cabdilaahi jirre ducaale alla ha u naxariistee nin taariikhda baal dahab kaga jira
gebogebada ilaahay jano fardawsa ha ka waraabiyo marxuum cabdilaahi jirre xuseen inagana dhamaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo aaaamiin aamiin”

Exit mobile version