WAJAALE NEWS

Dhismaha Jidka Berbera Corridor Oo Maalinta Bari ah la Dhagax Dhigayo Iyo Madax Ka Kala Socota Itoobiya & Emaaradka Oo Dalka U yimid Ka Qaybgalkeeda.

HARGAYSA(W,N) Dhismaha mashruuca  ugu wayn Somaliland ee Jidka isku xidha magaalada Berbera iyo magaalo xuduudeedka Tog Wajaale ee (Berbera corridor) ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah la dhagax dhigo iyadoo munaasibada dhagax dhiga jidkan ay ka dhici doonto bariga magaalada hargaysa gaar ahaan deegaanka halaya,waxaana ka qaybgali  doonaa madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ka socda dawlada Itoobiya oo uu hogaaminayo madaxwaynaha ismaamulka somlilada Mustafe Muxumed Cagjar iyo wasiiro heer fadaraal ah ,

Sidoo kale munaasibada dhagax dhiga wadada Berbera corridor ayaa waxaa lafilayaa in ay kasoo qaybgalayaan masuuliyiin sar sare oo ka socda shirkada jidkan maaligalinaysa ee DPW Iyo dawalda Emaaraadka carabta.

Dhanka kale waxaa goob joog ka ahaan doona dhagax dhiga wadada isku xidha Bebrebra iyo Wajaale Wufuud  ka kala socota midowga Africa iyo yurub. Mashruuca dhismaha wadada Bebrebra corridor ayaa noqonaya mashruuca ugu balaadhan ee laga hirgalinayo Somaliland kaasi oo mudo soo socday iyadoo hore loogu waday jidkan in ay maalgaliyaan midowga africa oo kaashnaya midowga yurub balse aanay suurto galin in qorshahaasi midho dhalo,

 wallow ay hirgalintiisa caqabad ku hayeen qaar kamida ah wadamada jaarka ah ee somaliya iyo jabuuti oo tiroba dhowr jeer isku bahaystay in sidii aanay u hirgalin dhismaha wadada Berbera corridor.

 Sikastaba ha ahaatee dhismaha wadada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya ayaa muhiimad wayn u leh Somaliland taasi oo xoojinaysa in dekeda Beriberi hesho isticmaal ka badan kii hore  oo fudaydin doonta in dhaqaalaha Somaliland kor u kaco halka ay dekeda Berberina kula tartami doonta dekedaha jaar ah.

Wallow wararka qaar laga helayo xukuumada madaxwayne Muuse Biixi ay Tibaaxeen in xukuumadu doonayso in jidka hada jira uun woxogaa balaadhin lagu daro balse aan la dhisin wadadii hore loo qorsheeyay dhinaca tayadeeda taasi oo hadii ay dhinaca xukuumada kasoo fusho noqon doonta mid dhaawac culus gaadhsiisa dadaalka loogu jiray dhismaha jidkan oo soo socday mudo 20sano gaadhaysa.

Iyadoo dhinaca kale hadii ay taalabadan ay qaado xukuumada madaxwayne biixi keeni karta in wadamada maalgalinaya jidkan ay ku rido niyad jabwayn kaasi oo wadamada danaynaya Somaliland in ka taageeraan dhinaca horumarinta jidadka iyo adeegyada kale ay u horseedo in ay aamini waayaan dawlada somaliland oo u muuqanaysa mid qiyaamaysa dalkeeda iyo doonista shacabkeena oo ah in ay helaan dhamaystirka baahiya aas aasiga ah.

WAJAALENEWS DESK

 HARGAYSA OFFICE.

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version