WAJAALE NEWS

Maareeyaha Dekedaha Jsl Oo Gudaha Dekeda Ku Qaabilay Wasiirka Warfaafinta, Kormeer Wada-jir ah Kusoo Sameeyey Dhismaha Dekeda.

Berbera(W.N)- Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa kusoo dhoweeyey gudaha Dekeda Berbera, wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore.

Maareeyaha ayaa kusoo wareejiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore qaybaha kala duwan ee Dekeda, sidoo kale waxa uu Maareeyuhuu uga Warbixiyey Wasiirka waxqabad kusoo kordhay Dekeda iyo weliba Mashaaricda Horumarineed ee ka socda. Waxa kaloo uu Maareeyuhuu wasiirka geeyey Taaga casriga ah ee Dekeda Berbera iyo doonta Bayloot boutka ah.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirka kusoo wareejiyey maareeyuhuu qaybta Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera oo gabo-gabo ku dhow iyo Wiishkii cusbaa ee dhowaan dalka yimi. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey boga Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo u dhigan sidan.

“Waxaa Dekedda Berbera Kormeer noogu yimi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka &Wacyigelinta JSL, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Waxa aan Warbixinno ka siiyey Goobaha uu soo kormeeray Wasiirku, Goobahaas oo kala ahaa; Goobta laga Dhisaayo Dekedda Cusub Ee Berbera, Wiishka Cusub Ee lagu Bedelay Wiishkii hore inooga gubtay iyo Labbada Taag ee Lagu soo Xidho Maraakiibta”.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

 

Exit mobile version