HARGAYSA(W,N)-Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin ayaa maanta lagu caleemo saaray magaalada Hargaysa kadib markii Geeriyooday Aabihii Marxuum Suldaan Cismaan oo ahaa Suldaanka Guud ee beesha Ciise Muuse oo isla maantana lagu aasay magaalada hargaysa.
Caleemo saarka suldaan Cali Suldaan Cismaan Cali kooshin ayaa waxaa goob joog ka ahaa salaadiyiinta beesha subeer awal iyo madaxdhaqameedka kale oo reer somaliland ah kuwaasi oo suldaanka cusub ugu duceeyay in ilaahay ku asturo xilkaa culus ee la saaray
Sidoo kale waxaa caleemo saarka suldaan cali ka hadlay xildhibaanada iyo waxgaradka beesha ciise muuse ee goobta ku sugnaa
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;