Hargeysa (WJN)- Wasiirka wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland dr. Xasan Ismaaciil Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo danjiraha dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaalida, Iyagoona ka wada hadley sidii iskaashi dhaqaale ay u wada yeelan lahaayeen dalalka Somaliland iyo Turkigu.
Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ayaa, weftigan kala wareegay qalab caafimaad oo loogu tala galay Cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka