WAJAALE NEWS

Ninkii British-ka ah Ee Ku Xidhaa Muqdisho Oo Xabsiga Dhexdiisa Ay Dhaawacyo Ugu Gaysteen Kooxo Ku Eedaysan Falal Argagixiso.

Muqdisho (W,N) – Ninka Britsih-ka ah ee magaalada Muqdisho ugu xidhaan eedeymo ku saabsan inuu walxaha qarxa doonayey inuu la koro diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa waxaa lagu weeraray xabsiga dhexe dhexdiisa ee Magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Anthony Thomas Cox ay weerar ku qaadeen laba ka mid maxaabiista mintidiinta ah oo falalka argagixiso ugu xidhan xabisga, kana tirsanaa Ururka Daacish.

Ilo-wareedyo dhanka ciidamada amniga qaabilsan laga helay ayaa intaa ku daray  in maxaabiistan ay sakiin ku weerareen Anyhony.

Anthony Thomas Cox ayaa waxaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kasoo gaadheen qoorta.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhowaan amartay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Anttony Thomas oo ah 48 jir.

Anthony Thomas  ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day khatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ka qabteen Anthony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baadhista ee C.I.D.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version