WAJAALE NEWS

Maxay Ka Wada Hadleen Abiy Ahmed iyo Donald Tusk?

Brussels (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa magaalada Brussels ee dalka Biljam kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mr. Donald Tusk oo ay wada falanqeeyeen xidhiidhkooda.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo Donald Tusk waxay wadahadalkooda diirada ku saareen sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga Itoobiya iyo Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay la dhacsan yihiin isbeddelka hoggaamineed ee ka dhacay Waddanka Itoobiya iyo dedaalka ay dawladda Addis-ababa ugu jirto hoos u dhigida saboolnimada iyo juhdiga la geliyey  horumarinta maamul wannaagga iyo dhaqaalaha iyo dimuqraadiyada Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inuu madaxda midowga Yurub uga warramay in caqabadaha haysta ay ka mid yihiin cunto yaraanta iyo tirada sii kordhaysa ee mujtamaca Itoobiya.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version