WAJAALE NEWS

Siyaasiyiin Miisaan Culus Ku Leh Beesha Sacad Muuse Oo La filayo in Ay Dhawaan ku Biiraan Xisbiga Wadani Iyo Muuqaalka Shirar Doceedyo Uga Socda Magaalada Hargaysa.

Hargaysa (Wajaalenews) Siyaasiyiinta  miisaan culus ku leh Somaliland iyo Beelaha ay kazoo jeedaa ee  Sacad Muuse ayaa La filayaa in ay dhawaan aqlabiyadoodu ku biirto xisbiga Mucaaradka ah ee Wadanii iyada oo maalmihii udanbeeyay   laga dareemayo deegaanada  galbeedka iyo waqooyiga  Hargaysa dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo hormo kale oo ay horkacayaan  siyaasiyiin can ku ah siyaasada iyo isbadalada kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafaso ilaa dhawr iyo toban masuul.

 Ilo wareedyo  ayaa xusay in siyaasiyiinta ay ku haybta yihiin murashaxa kulmiye ee xiligan xisbiga uu hogaamiyo kadareereen badi haldoorkii beesha sacad  ayaa tbaaxay in xubnahani dhawaan loo qaban doono xaflad baladhan oo ku muujinayaa cududooda.

Hadaba  dhaqdhaqaaqyadan iyo shirar doceedya ka socda guaha hargaysa ayaa hormuud ka ah uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee arimaha gudaha wasiiradii hore ee wasaarada arimaha gudaha C/laahi Ciro ,Axmed Jaambiir Suldaan , wasiirkii hore ee gaancsiga Dr muuse Qaasim . Prof Ibraahim Maxemed Meecaad oo isagu ahaa aas aasayaashii xisbi xaakimka kulmiye , maayarku xigeenkii hore ee Caasimada Hargaysa Khaliil Ibraahim Xawaadle iyo siyaasiyiin kale oo aanan halkan ku xusin magacyadooda.

Xubahan ayaa qaarkood xilal kazoo kala qabteen xukuumadi Cigaal iyo tii dahir riyaale iyo xukuumadan siilaanyo ee xiligan wakhtigeedu dhamaadka yahay,

 

waxaanay shir doceedyadani  daaran yihiin sidii taageero midaysan lagu taageero xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

Exit mobile version