WAJAALE NEWS

Raysal-Wasaaraha Itoobiya Oo Safar Ku Tagay Caasimada Dalka Eritrea Ee Asmara.

ASMARA(W,N)- Raysall Wasaaraha Dalka  Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta safar aan hore loo sii shaacin   ku tagay Magaalo madaxda Dalka  Eritrea Ee Asmara.

Raysal wasaare Abiy Axmed iyo waftiga Uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Isa,yesAfwerki , waxaana loo galbiyay Abiy madaxtooyada dalkaasi uu kulamo gaar ah kula qaatan Madaxweynaha.

Safarkan uu Asmara ku tagay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ahaa mid deg deg ah oon horey looga sii warqabin, waxaana safarkan uu kusoo beeg mayaa  xili gudaha dalka Itoobiya ay ka socdaan rabshado ay dhigayaan qoomiyada oromada oo ka cadhaysay dilkii Fanaan caan ahaa.ee hajalu hunduse.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa marar badan safaro kala duwan ku tagay dalka Eretrea , lamana oga safarkan hada uu ku tagay waxa uu daaran yahay iyo waliba waxa ay labada masuul kawada hadli doonaan.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale banaan baxyada rabshadaha wata marka laga soo tago wajaheysa cadaadis kaga imaanaya dhinaca dowladaha Masar iyo Sudan ay isku hayaan biyo xireenka Wabiga Niil.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version