WAJAALE NEWS

Kulan Saddex Geesood Ah oo Asmara Uga Socda Madaxda Itoobiya, Kenya iyo Eritrea

Asmara (WJN)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa maanta gaadhay magaalada Asmara ee dalka Etirea.

Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladiisa.

Saddexda hoggaamiye ee isugu tagay magaalada Asmara ayaan faafhaahin badan laga bixin qorshahooda, balse Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa sheegay in shirka saddex geesoodka ah ay uga hadli doonaan arrimaha Gobolka, ayna jiri doonaan shirar kala gaara oo ay yeelan doonaan.

Kulan saddex geesoodka ah ee ay asmara iskugu tageen hogaamiyeyaasha dalalka Itoobiya, Kenya iyo Eritrea ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan uu xumaaday xidhiiddhka Soomaaliya iyo Kenya.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version