Maxaa u qorsheysnaa maxaase u qabsoomay Madaxwayne Muuse Biixi ?
Waa su’aal aad u muhiim ah oo aad la isku weydiinayo , waxa hadda laga joogaa wakhtigii talada qaranka in uu gadhwadeen ka noqdo loo dhaariyey Madaxwayne Muuse Biixi ilaa hadda na wali waxyaabo ama isbadelo iyo dardar siyaasadeed oo dadka reer Somaliland dareemaan uma muuqato.
Haddaba inta aan la isweydiin waxa u qabsoomay waxa muhiim ah in la isweydiiyo horta maxaa u qorsheysnaa?
Barnaamijkii siyaasadeed ee uu xisbiga kulmiye ku galay kaambaynkii doorashadii madaxtooyada ee dhacday 13 NOV 2017 maxaa ilaa hadda ku fulay balanqaadyadii ay dadka u soo bandhigaan?
Marka loo xisaabtamayo si cilmi iyo aqooni ku dhisan dheehan tahay waxa maanta laga sugayey in marka shan meelood loo qaybiyo in uu qayb ahaan dhameystiro , waxa kale oo laga sugayey in uu mashaariicdii iyo waxqabadkii xukuumadii hore ka tagtay ay wakhtigan qaar badani dhamaadaan lagamana hayo.
Waxa ceeb ku ah xukuumada Madaxwayne Biixi in ay la kowsatay mudo kordhin doorasho , waana fashilkii koowaad ee ay la kulantay in ay ku guulaysan wayday doorashooyinkii mudaysnaa horaanta 2019 ka in ay qabato, ilaa maantana aan lagu kalsoonayn in ay qabsoomayaan sanadka dhamaadkiisa.
Waxa kale oo ay ku fashilantay xukuumada Madaxwayne Biixi in ay wax ka qabato sarifka dollarka oo ay ku celiso halkii uu ka soo dhaqaaqay, durba la iskala qabsadey halka uu maanta taagan yahay iyada oo xukuumadu awaamiir iyo isku dayo ay doonaysay in ay wax kaga qabataa qiima dhaca shilinka Somaliland aanay waxba ka fulin.
Madaxwayne Muuse Biixi waxa uu xilka kala wareegay xukuumad dhisan oo shaqeynaysa, hadii uu ku andacoon lahaa in uu dhisme dawladeed seeska ka soo bilaabayo oo ay wakhti ka qaadatay, waliba waxa la cadeeyay maalintii xilka labada wasiir ee maaliyadu la kala wareegayeen in aan wax dayn ah lagu wareejin wasiirkiisii hore ee maaliyadda.
Hadii aynu eegno xaga qaab dhismeedka iyo xukuumada uu soo dhisay waa mid aan aad looga fikirin oo qaabka hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada la isugu darayo sida ay isku qaadan karaan iyo sida ay isugu shaqada dhow yihiin.
Waxa hore iyo hadda ba jira hay’ado dawladeed oo sida komishano, wasaarado iwm ah oo aan shaqo muuqata oo muhiim u ah qaranka aan haynin ama hay’ado iyo wasaarado kale oo ay isku shaqo dhow yihiin kaalintoodii isku haystaan oo aanay u kala cayinayn shaqada ay kala leeyihiin.
Madaxwayne Biixi waxa uu baabiiyey hay’ado dawladeed oo sharci ku dhisnaa ay goleyaasha qaranku ansixiyeen waxaana uu sharci uga dhigay digreeto uu soo saaray oo uu ku sheegay xeer nidaamiye Madaxwayne.
Madaxwayne Muuse Biixi waxa uu saxeexay xeer kufsi oo anshaxa iyo dhaqanka dadka reer Somaliland iyo islaamkaba ka soo horjeeda , ilaa maantana waxa la garan laayahay faaiidada ugu jirtay iyo danta xukuumadu ka lahayd.
Mudadaa sanadka ah ee uu Madaxwayne Muuse Biixi tallada dalka hayey waxa markii ugu horeysay sameysantay jabhad ciidanka qaranka Somaliland ka cadhootay oo dalka dibadiisa looga aqoonsan yahay jabhad , saldhigyo iyo meel ay iska soo abaabulaana laga siiyey wadanka aynu jaarka nahay ee Somalia.
Waxa jirta in xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ay samaysay nidaam dhaqaale urursi oo dadka lagaga badalayo liisamada wadida gaadiidka, lambarkii gaadiidka ee hore iyo buuga baabuurka iyada oo marka hore waxaas oo dhami aanay bilaash aheyn oo muwaadin waliba lacag ku qaatey, waxaana ay xaq u lahaayeen hadii la badelayo oo wax casriya la keenay oo amaanka iyo la dagaalanka foojarigaba ku wanaagsan in dadka loo badelo uun bay ahayd.
Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi waxa ay sheegtay in dabayaaqadii sanadkii dhamaaday la bilaabi doono dhismaha dakada Berbera ilaa haddana aanay jirin wax isbadel ah iyo bilowga dhismihii dadka cusub iyo casriyeyntii dekadan ee la sugayey.
Mudadaa sanadka ah ee uu Madaxwayne Muuse Biixi talada dalka hayey waxa la xidh-xidhay muwaadiniin badan oo loo xidhay ra’yigooda oo ay cabireen, waxaana dhacay dhacdooyin badan oo xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlkaba meel kaga dhacay.
Waxa nidaam kalitalis ah iyo wax u eeg isku badelay mudadaa sanadka ah ee Madaxwayne Muuse Biixi dalka Madaxweynaha ka ahaa in axsaabta dadka laga saaro oo maalinba qofkii ka fikir duwanaada dibada loo tuuro oo laga caydhiyo xisbigiisa iyo xisbiyadii kaleba.
Waxa soo muuqatay in ay ciidamadu awoodo dheeraad ah isticmaalaan oo cidii la doono la iska xidho, in ay amaradii garsoorka diideen oo waxii ay doonaan dalka ka sameeyaan sida falkii ka dhacay maxkamada gobolka saraar oo kale iyo xadhiga abwaanada iyo dad kale oo muwaadiniin ah oo joogto laga dhigtay.
…..La Soco Qaybta danbe
Qalinkii Muhumed DHimbiil.