WAJAALE NEWS

Golaha Barlamaanka Oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2015-ka,

Hargeysa(Wajaalenews)Xildhibaanada Aqalka Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta Hab Duuduub ah ku Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda Sanadka 2015-ka oo dhawaan Golaha loosoo Gudbiyey, iyadoo Inta badan Mudanayaasha Muxaafidka ahi Madasha ka sareereen ka hor intii aan codka la qaadin.

Fadhiga oo uu gudoominayay Mudane Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Cod loogu qaaday Miisaaniyadda waxaana ansixiyay 39 Mudane halka 3 mudane ka aamustay, cid diidayna ma jirin, Gudoomiyuhuna ma codayn waxaana sidaasi ku ansaxay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo dhan 251 Milyan oo Doolar.

Ansixinta Miisaaniyadda ka dib waxaa saxaafadda la hadashay Xildhibaan Baar Siciid oo sababaysay ka maqnaanshahooda fadhiga “Anigu Miisaaniyadda la ansixiyay waan ka soo horjeeday, waxaanan kaga soo horjeedaa duuduubka lagu ansixinayay, si kalena ugama soo horjeedo” ayay tidhi Xildhibaan Baar.

Xildhibaan Baar Siciid waxay sheegtay inay jiraan Khaladaad u baahnaa in laga doodo oo ku jira Miisaaniyadda “Aniga Lacag la igama goyn laakiin, waxaa ku jira waxyaabo khaldan, waxaa jira Wasaaraddo Lacagtooda dhakada la iska saaray oo raran iyo kuwo dhulka yaala oo kuwii muhiimka ahaaya. Waxaa jira waxyaabo badan oo aanu rabnay inaanu ku darno oo ay ka mid yihiin Gunnadii Shaqaalaha Golaha wakiilada oo la goostay, waxaa ka mid ah Askartan Kadinka Baarlamaanka joogta oo Gunnadii yarayd laga goostay, waxaa ka mid ah Jaamacadda Ceerigaabo oo u xidhmaysa Macalimiin la’aan” ayay tidhi Baar Siciid.

Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo ka kooban laba Buug ayaanay Mudaneyaashu ka yeelan Wax dood ah marka laga reebo Su’aalo wasiirka ay ka waydiiyeen Mudaneyaasha Qaarkood, waxana taasi keentay in Mudanayaasha mucaaridka ah oo tiradoodu yartahay ay ka biyo diidaan Qaabka wax u socdeen.

Exit mobile version