WAJAALE NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Xaqiijisay In La Qabtay Nin Sitay Qalab Laga Shakiyay

Muqdisho (WJN)- Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa xaqiijiyay in nin haysta dalashada dalalka Faransiiska lagu xidhay garoonka diyaraadaha ee Magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa lagu helay isaga oo wata qalab laga shakiyay oo la rumeysan yahay inuu ahaa suntan dadka ka ilimeeysiisa oo uu ku qariyay boorasadii uu watay.

Ninka caddaanka ah ayaa Sabtidii lagu xidhay Muqdisho, wuxuuna ku jiraa gacanta saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya, sida BBC uu sheegay wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in qalabka laga shakiyay uusan ku jirin waxyaabaha qarxa isla markaasna ninka u hore dalka uga shaqeyn jiray balse horraan aanan wax dambi ah lagu soo eedeyn.

Wuxuu sheegay in shirkadda diyaaradda Itoobiya ay berito dib u bilaabeyso duulimaadayada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaddib markii shirkadda dhawaan ay hakisay duulimaadyadeeda.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa dhawaan hakisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay garoonka diyaaradaha Muqdisho markii la qabtay ninkan lagu arkay waxyaabaha loo shakiyay inay yihiin sunta dadka ka ilimeeysiisa, wuxuuna kamid ahaa rakaabka.

Exit mobile version