“Ururka SOLJA, Isagoo Metelaya Saxaafadda Somaliland Waxa Uu u Arkaa Shirkaasi Inaanu ka Turjumayn Ujeeddada Ay Wasaaraddu Ugu Magac Dartay”SOLJA,
Hargaysa(W,N) Ururka Saxaafada Somaliland ee Solja ayaa war saxafadeed Ay soo saareen ku cadeeyay in aanay ka qaybgalay shirka wasaarada warfaafintu sheegay in ay uqabanayso warbaahinta kala duwan ee somaliland .
Warka soo baxay ururka solja ayaa lagu soo bandhiga in aanay waxba kala socon shirkaa islamarkaana iyadoo ku hadlay Magaca warbaahin somaliland aanay ka qaybgalay shirka oo furmi Doona Maalinta Sabtida.
HALKAN KA AKHRI; WAR-SAXAFADEED KASOO BAXAY URURKA SOLJA IYO NUXURKA UU XANBAARSAN YAHAY;
Sc dhamaantiin
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu Iftiiminayaa inaanu ka qayb galayn shirka Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqday inay u qabanayso Warbaahinta Somaliland 29-30-ka bishan December oo ku beegan Sabtida iyo Axada toddobaadkan soo socda.
Ururka SOLJA, isagoo metelaya Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa shirkaasi inaanu ka turjumayn ujeeddada ay wasaaraddu ugu magac dartay maadaama sida ka muuqata Jadwalka shirkaasi uu yahay uun mid wasaaraddu ugu yeedhinayso ka soo qayb galayaasha wax ay soo qorshaysay
ee aan fursad loo siinaynin Daneeyayaasha Saxaafadda inay aragtidooda ka dhiibtaan shirka.
Ururka SOLJA, waxa uu arkaa inaanu shirkani xal keenayn inta Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku dirqiyayo inay yeelaan saxaafadda Somaliland waxa uu doonayo ee aanu tixgalinayn xuquuqda Dastuuriga ah.
Ururka SOLJA waxa uu soo jeedinayaa shirkan inay ka horeeyaan Qorshayaal farabadan oo kaga maqan saxaafadda dhinaca Xukuumadda, kuwaas oo u baahan inay Xukuumaddu fuliso.
Sidaas daraadeed; Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu usoo jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu wax ka qabto Cabashada iyo duruufaha Saxaafadda Somaliland haysta ee aanay Wasaaradda Warfaafintu waxba ka qaban karayn.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)
SOLJA
Somaliland Journalists Association
Hargeisa Main Office
Address:
Sha’ab Area Behind Ex-UNICEF Office or Mount Kenya University
line +2522-572604
+252-63-4194200
E-mail: Soljajour@gmail.com
Website: soljaorg.com
facebook: https://facebook.com/somaliland.journalist
Twitter: https://twitter.com/solja_org