WAJAALE NEWS

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ka Hadley Aragtida Uu Ka Qabo Safiirka Cusub Ee Itoobiya U Soo Magacowday Somaliland

Muqdisho (WJN)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka Wadajir ee Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka cusub ee dowladda Itoobiya u soo magacaabtay Somaliland.

Waxa uu sheegay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur in ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu kor qaaday meeqaamka ay Somaliland ka taagnayd dalka Itoobiya ka dib markii u soo magacaabay Safiir buuxa.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban oo uu arrintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan. “Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sannadkii 2008 ee wada hadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti.

Dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yidhi “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya.

Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xidhiidhka itoobiya iyo Somaliland”.

WAJAALENEWS DESK

HARGESYA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version