WAJAALE NEWS

Muran Dib Uga Istaadhmay Gudaha Xisbiga Kulmiye iyo Arrimaha Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Isku Maandhaafeen

KULMIYE
Hargeysa(W.N)-Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalmihii la soo dhaafay kulan uu Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay ku hor dhigay qodobo kaabaya hankiisa uu ugu xusul duuban yahay kursiga Madaxweynenimo.

Xogo kulankaasi laga helay ayaa sheegay in Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne Siilaanyo hor dhigay qodobo labadoodaba dan u ah oo kala ah in Muuse Biixi Madaxweynaha ku taageero sidii Muddo kordhin loogu samayn lahaa, taas badalkeedana Madaxweynuhu ka badheedho Musharaxnimada Xisbiga isaga kadibna u cumaamado Muuse Biixi Cabdi.

Hase ahaatee, waxaa wararku sheegeen In Madaxweyne Siilaanyo diiday dalabka ah in Muuse Biixi uu ugu dhawaaqo Musharaxnimada Kulmiye, marka uu isagu dhamaysto wakhtigeesa. Arrintaasi ayaa la sheegay in Muuse Biixi ay u cuntami wayday islamarkaana uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay in isna markiisan lagula tartamo Musharaxnimada Kulmiye.

Dhanka kalena, natiijada Kulanka Muuse iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa abuurtay dhaqdhaqaaq ka dhex bilawday dhaqanka Bulshada Muuse Biixi ka soo jeedo, kuwaasi oo yeeshay kulan arrintan lagaga hadlay oo Muuse Biixi hindisay balse aanu ka qayb galin. Xogo Kulanka Madaxda dhaqanka uu ka helay Wargeyska Foore, ayaa sheegay in kulankaasi lagu magacaabay Guddi Gudoomiye Muuse Biixi kala talisa wixii uu ka yeeli lahaa arrintan hadda taagan.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo dhawaan la sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu Muuse Biixi ugu hanjabay inaanu heli doonin Musharaxnimada uu doonayo ee Kulmiye dhexdiisa. waxaa sidoo kale Xukumadda ka dhex baxay Cabdicasiis Samaale oo ahaa musharax Muuse kula tartamayay Kulmiye.

Arrintan ayaa abuuri karta Muran ka dhex qarxa Kulmiye oo ilaa hadda ku dhici la inuu qabsado Shirkii Golaha dhexe ee lagu dooran lahaa Musharaxa rasmiga ah ee Kulmiye, iyadoo dhinaca kalena Xukumadda muran ka dhex jiro kadib markii xubno muhiim ahi iska casileen.

Exit mobile version